Dadka
soomaaliyeed oo ah Beeraley iyo Xoolo Dhaqato ayaa waxay Taariikh dheer
oo dhanka ganacsiga ah ku leeyihiin geeska Qaarada afrika . Inkastoo
aanan la heli Karin xog sugan ama qoraal taariikheed oo dhaxal ah ayaa
hadana la dhihi karaa dhanka ganacsiga somalida waxay ka ciyaareen
kaalin mug wayn oo ay umadaha qaaradaha kale ku nool aad u qiraan.
Ganacsiga soomaalida ayaa taariikhyahanadu ku sheegaan in uu biloowday
xiligii xadaarada islaamka ay soo gaartay geeska afrika waxaa kale oo
jirta in soomaalida ay xiriir ganacsi la lahaayeen Asia ka hor islaamka .
Kadib xadaaradi islaamka waxay soomaalidu bilaabeen in ay ganacsigoodu
ku fidiyaan dhulalkii ay carabtu daganaayeen . Badeecadii ay soomaalidu
dhoofin jireen waxaa ka mid aha noocyada kala duwan ee xoolaha sida
Lo’da , Geela , ariga , cudbiga , iyo fooxa waxayna kusoo badalan
jireen Dhar iyo raashiin . Ganacsiga soomalida wuxuu aad u kobcay
waqtiyadii dhexe oo ay badatay is dhaxgalka shucuubta caalamka gaar
ahaan xliyadii ay soomaliya soo gaareen dhulmareenadii carbeed iyo kuwii
reer galbeedka kuwaaso sahan u ahaa wadamadooda , taasna waxay dadka
soomaliyeed siisay fursad ay shucuubta caalamka ku daneeyaan
dhaqdhaqaqii ganacsi ee ka jiray dhulka soomalida . halkaasna waxaa ka
hanaqaaday xiriir ganacsi oo aad u adag oo u dhaxeeyay dadka soomaliyed
iyo caalamka intiisa kale .
Ganacsiga soomaalida : Gumeystayaashii iyo xoriyadii Dalka
Xiligii
gumaysiga waxaa taariikhda ku sugan in ganacsigii soomaliya ka jiray
uu aad u saameeyay nidaamkii gumaysiga, taas oo ay kala sinaayeen guud
ahaan ganacsigii ka jiray qaarada Afrika, wuxuuna dhaqdhaqaaqi ganacsi
ee soomaliya gacanta u galay gumaystayaashii , ayagoo sicir aad u jaban
kula wareegi jiray badeecadihii soomalida inta badana qaab dhac ah ku
boobi jiray khayraadkii uu dalka lahaa.taasna waxay dalka dhaxal siisay
dhaqaalo xumo aad u wayn. Kadib xoriyadii dalka ganacsiga soomaaliya
wuxuu soomaray xilli aad u xun oo mudan in si fiican loo daraasadeeyo
balse xoriyadi kadib waxaa look ala qaadi karaa xaaladii ganacsi
dowladii rayidka aheyd iyo midi militeriga iyo Kadib bur-burkii dalka
iyo dagaalada sokeeye .
Dowladihii Rayidka :-
Wuxuu
ganacsiga aas aas ahaan ku saleysnaa nidaamka suuqa xorta ah waxaana
jiray in Inta aqoonta ganacsiga leh ee somalida ah ay aad u yaraayeen
taana a sababtay in ganacsiga dalka badankii uu gacanta u galo shirkado
ajnabi ahaa ama haraadigii gumeystayaasha Talyaaniga . Sidoo kale dalka
waxaa ragaadiyay masuqmaasuq kaa oo suurogalin waayay in hanaanki
ganacsi ee dalka ka jiray uu kobco waxaana u sabab ahaa aqoon dari iyo
maamulka oo gacanta ugu jiray shirkado iyo dad ajnabi ah . inkastoo
xiligaas ganacsiga soomaliya uu aad u dhutinayay hadana wuxuu ahaa bilow
wanaagsan , sidoo kale dadka soomaliyeed kama aysan liidan dadyoowgii
kale ee qaarada kula noolaa kuwaaso halgan adag ugu jiray in ay xoriyad
buuxda ka qaatan gumaystayaashi.
Maamulkii militariga iyo ganacsiga
1969
waxaa dalka taladiisa la wareegay ciidanka xooga soomaaliyeed waxaana
is badalay waxkasta iyo nidaamkasta oo dalka loogu noolaa . waxyaabihi
isbadalay waxaa ugu toolmoonaa nidaamki dhaqaalaha ee dalka ka dib
markii dalka laga hirgaliyay nidaamki hantiwadaaga ku dhisan cilmigaa oo
laga soo dheegtay dalalkii shuuciga ahaa ee uu ruushku hogaaminayay.
hadii si sahlan loo sharaxo qaabka uu dhaqaalaha isku badalay waxaan ku
soo koobi karnaa, ka hor nidaamki askarta, dhaqaalaha dalka wuxuu
gacanta ugu jiray shaqsiyaad iyo shrikado taasoo ah nuxurka aragtida
suuqa xorta ah halka nidaamkii ay dalka ku soo dabaaleen meliteriga uu
ahaa in shaqsi iyo shirkado gaar ah aysan yeelan karin dhaqaale u gooni
ah, taaso ah aragtida uu hantiwadaagu ka qabo hanaanka dhaqaalaha .
Aragtida
hantiwadaaga ayaa ku baaqaysa in dhamaan dhaqaalaha iyo ganacsiga
dalkaba ay waajib tahay in ay maareeyaan dawlada iyo in dhamaan
muwaadiniinta dalka ku nool ay u shaqeeyaan dawlada. inkastoo dadka
soomaliyeed dhaqankooda iyo aragtida hantiwadaaga aysan isla jaanqadi
karin hadana dadki waagaas joogay si qalbi furnaan ah ayay u soo
dhaweeyen nidaamkas , bilowgii maamulkiii meliteriga hormar dhinaca
adeega bulshada ah ayay ku hergaliyeen nidaamkii hanti wadaaga waana
waqtigii dhamaan shacabka lagu hawlgaliyay qaabkii iskaa wax u qabso ,
balse dhaqdhaqaaqi ganacsi ee dalka ka jiray ayaa gabi ahaanba istaagay
taaso ay kala sinaayeen dhamaan dalalki laga hirgaliyay nidaamki hanti
wadaaga .
Nidaamka
hantiwadaaga ah ayaa dad badan ay aad u dhaliileen ugana soo
horjeesteen waxayna dadka ku baraarugeen in uu nidaamkaan ahaa mid aanan
gaarsiin Karin horumar dhaqaale. sababaha ugu waawayn ee uu
hantiwadaagu dalka uga hirgali waayay waxaa ka mid ahaa in hogaankii
xiligaas uusan aqoon dhab ah iyo waayo aragnimo buuxda u lahasayn
nidaamki ay dalka ku maamulayeen iyo dhaqanka soo jireenka ah ee dadka
soomaliyeed oo aan marna waafiqi karin nidaamkas . Xiligaa ganacsigii
dalka ka jiray waxaa lagu soo koobi karaa in ganacsi buuran uusan dalka
ka jirin waqtigaas maadama dhamaan dhaqaalihi dalka ay la wareegtay
dawlada , sidoo kale dhamaan badeecadihi dalka dibada looga keeni jiray
waxaa la wareegay hay’ado gaar ah oo ay dawladu dhistay , waxaana si
toos ah u istaagay hawshii dhoofinta iyo dajinta ahayd ee ay ganacsatada
soomaliyed wadeen , waxaana shaqadaas la wareegay dawladii xiligaas
jirtay .mudo ka dib waxaa isku dhacay maamulkii meliteriga iyo dawladii
ruushka oo ahayd hogaankii hanti wadaaga ku dhisan cilmiga, isku
dhacaas ka dib dawladii soomaliyeed waxay si toos ah u joojisay
hergalintii hanti wadaaga, ilaa laga gaaray burburkii dawladii
meliteriga hanaanka ganacsi ee soomaliya ka jiray ma uusan ahayn mid si
fudud loo qeexi karay , waayo ma uusan ahayn midkii hanti goosadka iyo
hanaanki hanti wadaaga midnaba .
Dadka
u kuurgala taariikhda ganacsi ee soomaliya xiliyadii ay dawlada
meliteri ay dalka ka talinaysay, waxay isku raacaan wixii ka danbeeyay
isku dhacii dawladihi hantiwadaaga iyo dawladi soomaliyeed, in
ganacsiga soomaliya uu noqday mid ku salaysan musuqmaasuq iyo aqoondaro
taas oo sabab u noqotay in dhamaan dhaqaalihi dalka uu si aad ah u
burburo , sidoo kale waxaa meesha ka baxday qorshayntii iyo maamulki
dawladnimo ee ganacsiga , waana taas sababtii ganacsiga dalka uu ugu
gacan galay dad aan lahayn aqoontii iyo kartidii uu ganacsiga guud ee
dalka u baahnaa, taasna waxay sababtay in hanaanki ganacsi ee dalka uu
galo mugdi .mana jirin xiliyadaas ganacsi buuran oo ka badbaaday
musuqmaasuq iyo aqoondaro.
Burburkii dalka iyo Ganacsiga
Burburkii
dalka kadib wey adag tahay in laga faaloodo iyadoo ay fowdo iyo dagaalo
socdeen balse waxaan si kalsooni ay ku dheehantahay u oran karnaa
burburkii dawladii soomaliyeed wixi ka danbeeyagy dalka waxaa
badbaadiyay ganacsigii ay dadka soomaliyeed bilaabeen.wuxuu ahaa ganacsi
ay dadka soomaliyeed ay kaga jawaabayeen baahidoodii aasaasiga ahayd ka
dib markii ay meesha ka baxday dawladii agaasimi lahayd nolosha dadka .
dhaqaale sidaas u wayn oo lagu bilaabo ganacsi tayo leh ma uusan jirin
hadana waxaa la isku dayay in la bilaabo ganacsiga daruuriga ah .arinta
kaliya ee ay ku faani karaan dadka soomaliyeed meelkasta oo ay dunida
ka joogaan wixii ka danbeeyay burburkii dalka ka bacdi ayaa ah muujinta
ay muujiyeen kartida ay u leeyihiin in ay dalkoodi burburay ay ka
hirgaliyaan ganacsi noockasta ah oo runtii badbaadiyay noloshii dadkii
ku haray dalka ,waxaan dhihi karnaa waxay ahayd tijaabo geesinimo u
baahan balse natiijadii ka soo baxday ay noqotay mid na wada farxad
galisay . Isla waqtigaa burburka waxaa biloowday ganacsi ay
duruuftu keentay oo aan ka xusi karno ganacsigii isgaarsiinta iyo midi
xawaaladaha maadama badi dakii soomaliyeed ay ku kala lumeen dagaaladii
sokeeye ee sida xun la iskugu xasuuqay, waxana durba dalka ka hirgalay
shirkado isgaarsiineed iyo kuwo biilasha la iskugu soo xawilo.sidoo
kale waxaa la bilaabay in meelo aad u fog fog laga soo waarido
badeecooyin ay ka midyihiin noocyada kala duwan ee raashinka , dharka
iyo waliba daawooyinka , kuwaas oo loo qabay baahi aad u wayn Inkastoo
masuqmaasuqu uu wali ka marneyn ganacsigaa oo dawooyin iyo raashiin
dhacay laga baayacmushtarayay .
Arimo
badan ayaan dhihi karnaa waxay sabab u yihiin hormarka laga gaaray
ganacsiga ay dadka soomliyeed ka wadaan meelo kala duwan oo caalamka ka
mid ah , waxana ugu muhiimsan arimahaas, marka koobaad dadka
soomaliyeed waa dad aad u firfircoon oo jecel in ay isku biimeeyaan wax
kasta oo cusub , sidoo kale burburkii dalka ka dib waxaa meesha ka baxay
shaqooyin badan oo laga heli jiray dawlada ,shaqada kaliya ee dalka
laga qaban karayna waxay noqotay in ganacsi la bilaabo ,arinta kale ee
ugu muhiimsan sababaha kobciyay ganacsiga soomalida ayaa ah hibada ay
badi dadka soomaliyeed u leeyihiin in ay hal abuuraan fikrad ganacsi
iyo kartida ay u leeyihiin in tijaabo geesinimo ah galiyaan fikirkooda /
aragti ganacsi .
Taariikhda dhaqaale ee dalka soomaaliya
Dhaqaalaha
soomaaliya waxaa lagu qeexi karaa mid soo maray heerar kala gedisan oo
isugu jira ; xili gumeystaha uu ganacta ugu jiray , xili uu kobcay laga
bilaabo 1960-69 , wuxuu sidoo kale soo maray xili lagu dabaqay
nidaamkii hantiwadaaga iyo ugu dambeyn manta oo amni darada dalka ka
jirtaa ay hooyo u tahay hormar la aanta dhaqaale ee dalkeena .
Dhaqaalaha soomaaliya ayaa wuxuu ku tiirsan yahay xoolaha nool , beeraha
, iyo sidoo kale shirikadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha , iyo sidoo
kale iyadoo isku cel celis sanadii 2005 GDPga :- { isku cel-celiska
waxsoo saarka dal } soomaaliya ay door muhiim ah ku leeyihiin Beeraha oo
ka ciyaara ilaa door dhan 65% , warshadaha oo sidoo kale ka ciyaara 10%
iyo adeegyada oo ka ciyaara 25% . soomaaliya ayaa waxey iska
dhoofisaa xoolaha nool , dhuxusha , kalluunka iyo muuska . waxayna
sidoo kale soo dhoofsataa Qalabka wax lagu dhiso , batroolka iyo
waxyaabo kale , dalalka ay wax kazoo dhoofsato waxaa ka mid ah djibouti ,
Kenya , India Oman , UAE , Pakistan iyo Yemen .
Hormarkii Dhaqaale ee 1960 – 69
Kadib
xornimadii dalka dadku waxey ku baraarugeen baayacmushtari iyo
shaqooyin iyadoo dalku uu ka hergalay maamul dowli ah oo soomaali ay
hormuud ka tahay iyadoona dowlada ay abuurtay goobo waxbarasho , goobo
horumarineed xag ganacsi , bulsho , caafimaad , isgaarsin iyo horumar
dal iyo dad leh taana waxey keentay in hormar guud oo xaga dhaqaalaha
ah uu guda galo dalkii iyadoona sidoo kale ay aheyd biloow cusub oo
dowlahii ka dambeeyay ay ku dayadaan .
Hormarkii dhaqaale ee dowladii militeriga
Dowladii
militeriga ayaa la is dhihi karaa wax la taaban karo ayay dhaqaalaha ka
qabatay iyadoo sanadadii 70kii ilaa 80kii ka hergilisay dalka warshado
badan oo kor u qaaday dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo kii dhaqaale ee dalka
soomaaliya waxaa la dhisay warshado badan oo sanceeyo khayraadka uu
wadanka soo saaro sida qasabka, hilibka, saliida, mooska. Waxaa
dhaqaalaha kabitaan muuqda ku biiriyay dhoofinta xoolaha nool oo suuqyo
badan loo helay sida suuqa Carbeed..
Badiba
xoolaha la dhoofiyo waxay ahaan jireen lab (awr, dibbi, orgi iyo wanan)
iyada oo dhoofinta dhediga sedexda duunyo ay mamnuuc ka ahyed in laga
dhoofiyo dekedaha wadanka oo dhan sida dekadaha Muqdisho, Berbera iyo
Kismaayo.
Warshadeyntii wadanka ( Industrial Era ) sanadadii horumarinta ee horaantii 1970adii warshadihii hirgelay waxaa ka mid ahaa:
Warsahada Hilibka, Kismaayo
Warshada Sonkorta, Snai Jowhar
Warashada Dharka, Balcad
Warshadii shamiitada, berbera
Warshadii kaluunka , laasqorey
Warshadii
labanka afgooye iyo Warshada Kabka Biraha, Warshada Saabuunta, Warshada
Caanaha, Warshada Sifeynta Batroolka, warshada cabitaanka fudud iyo
Warshada Sigaarka iyo Taraqa oo dhamaan ku yiilay Muqdisho Banaadir
Sicirbararka ( inflation) & Shaqo la’aanta ( Unemployment ) iyo soomaaliya
Sicirbararka
iyo shaqo la’aanta ayaa loogu yeeraa labada sheydaan waxeyna dhibaato
iyo saameyn weyn ilaa hada ku leeyihiin wadamada dunida iyadoona
soomaaliya ay ugu daran tahay sababo badan oo isbiirsaday awadood Ha ugu
horeeyso tan shaqsi oo ah in shaqo la’aan iyo waxsoo saar la’aan
shaqsiyadeed darted uu qofku awoodi waayo in uu iska bixiyo kiro, ama uu
la kulmi waayo himilooyinkiisa maaliyadeed sidoo kale waxey shaqo
la’aanta saameyn ku leedahay bulsho iyadoo aan aragno in bulshooyinka
dunida ay kaceen sida Masar , Tunisia , yemen, iyo Syria taana
waxyaabaha sababay waxaa ka mid ah dhaqaale xumida ha ugu horeeysee
shaqo laanta iyo saameynta sicir bararka . Tan soomaalida taariikh ahaan
waxey ahaayeen dad shaqo iskood u abuurta ama dowladi ay u abuurto
shacabkooda balse dagaaladii sokeeye kadib dalku wuxuu noqday mid
dhalinyaro , iyo dhamaan qeybihii bulshada ayaa noqday mid habac shaqo
la’aan ahi ay ku dhacday . sidoo kale Sicirbararka oo ah koror ku
yimaada dhamaan maciishadihi iyo adeegyadi dadka ayaa soomaaliya uu
sanadba kan ka dambeeya uu isbadalaa siyaabo kala gedgedisan darted .
Shaqo la aanta baahday ee dalka waxaa lagula diriri karaa :- In la
maal-geliyo ganacsiyada yar yar , In buldhada loo abuuro xaruumo lagu
Barto laguna Horumariyo xirfadaha yar yare e shaqo , Iyo ugu dambeyn in
bulshada lagu wacyigeliyo in ay dalkooda joogaan oo ay wax ka soo
saartaan iyadoo loo maraayo saxaafada Edboon .
Gabogabo
Ugu Dambeyn waxaan qormadaan kusoo gabogabeynayaa sedex umuurood oo talo iga ah :-
1-
In la helo ama la abuuro Dalad ama Urur aqooneed oo ay ku mideysan
yihiin dadka bartay cilmigaa ganacsiga iyo dhaqaalaha oo talo iyo
tus’aale ka bixiya sida howshaa ganacsiga ah loo abuuro , loo kobciyo ,
looga ilaaliyo fashilka iyo sidoo kale in dadkaa soomaaliyeed ee
ganacsiga ku jiro la siiyo siminaaro iyo casharo yar yar oo quseeya
ganacsiga waana in dadkaa soomaaliyeed ee ku jira dunida ganacsiga ay
doontaan aqoonta ganacsiga .
2- In la maal- geliyo ganacsiyada yar-yar ee soomaaliya , laguna dhiiri geliyo han sare oo ah in ay gaari karaan guul ganacsi .
3- Iyo ugu dambeyn in ay fahmaan in fashilka ganacsi yahay wax caadi ah balse hadana mudan in la iska ilaaliyo

No comments:
Post a Comment