Tuesday, May 3, 2022

Yaa ku qatan Doorashada Qof iyo Cod?

 QOF IYO COD YAA KU QATAN? 

Nooca Dowladnimada Soomaaliya ee maanta jira, wuxuu ku dhisan yahay 4.5 ama 5 beelood, taas oo loo arkey xalka kali ah ee Dowladnimada Soomaaliya maanta ku dhismi karto burburkii Dowladii Dhexe kadib.

Nidaamka Federalka oo ah mid ku cusub Soomaaliya, lagana dheehan karo inuu yahay mid ku dhisan qaab qabiil, ayaa u muuqda in Soomaaliya meel fiican keenay Dowladnimadeeda maadaama uu yahay wax kali ah Soomaaliya maanta wax ku qeybsan karto si qabiil kasta u helo matalaad reereed.

Hadaba, waxaa la filayaa mar dhow in laga gudbo Doorasho dadban, loona gudbo mid qof iyo cod ah, taas ku imaan karta qaab Xisbiyo badan  ah.

Dalka waxaa ka jira Maanta #110 Xisbi oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyiinka ee Xaliimo yarey Madax ka tahay sida ka muuqato lifaaqa hoose.

Inta badan Xisbiyadaan kuwa uga caansan maanta la yaqaano madaxdooda waa labo reer oo kali ah, kuwaas oo mar walba  qabta Hoggaanka Dalka uga sareeya  ee Xilka Madaxweynimo.

Siyaasiyiinta D&M ee maanta hamiga ka leh hogaaminta Bulshada Soomaaliyeed waxey xubin ka yihiin dhowr Xisbi oo ah kuwa ugu caansan xiligaan ka jira Dalka, mana ahan Hoggaamiye Xisbi markii laga reebo inyar mooye. 

Dadka uga badan ee la filaayo inay Doorashada qof iyo codka ah dan ugu jirto markii la fiiriyo tiradooda iyo Deegaan Doorashadoodaba waa D&M oo aan maanta heysan Hogaaamiye Xisbi weyn oo Dalka ka jira.

Danta dalka iyo  dadkeyga dadaal bey rabtaa.....

A City at the Crossroads of Power and Politics of Somalia

  Kismayo, October 5, 2025 A City at the Crossroads of Power and Politics In the warm coastal city of Kismayo, where the Indian Ocean meets...