Wednesday, September 17, 2014

Umad Waliba Aayaheeda Inay Garato Iyadaa Leh.




Hidaha iyo Dhaqanka 

Hidaha iyo Dhaqankaku waxaa uu astaan u yahay jiritaanka Qowmiyad degaan iyo dal leh laguna aqoonsado waxa ay yihiin iyo waxa ay aaminsanyihiin laguna tixgaliyaa , Hidaha iyo Dhaqanka soomaaliyeed waa wax soo jiray kumaankum sano salna u haa inaan yeelano magac noo gaar ah oo soomaali la yiraahdo . Hadaba Hidaha iyi Dhaqanka soomaaliyeed waxaa uu ku qotomaa caqliga wanaagsan

Taariikhda Af-Soomaaliga

Af soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii. Af soomaaliga waxa lagu qoraa xuruufta laatiinka ka dib 42 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer ka dib, guddigu wuu talo gafay. Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.
18 nooc oo far Soomaali loo damacsanayaa ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan. Guddigii Af Soomaaliga ee shaqaynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay fartii afyaqaan maxamuud axmed cali taas oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag, biirayaal bille ah sida "Iftiinka Aqoonta" iyada ay jireen tartan balaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif, Ba. Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arimo dhaqaale, qalabkii wadanka yiil iyo asbaabo kale
Wadamada looga hadlo Af-Soomaali

Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu muhiimsan Geeska Afrika, waana ka rasmi wadanmada Soomaaliya iyoJabuuti,waxaa kaloo si wayn loogaga hadlaa qaybo ka mida Itoobiya iyo Kenya. Waxuu ka tirsan yahay afafka loo yaqaan [Kusheetikoo ah laan ka tirsan bahda luqadaha Afro-Aasiya.Kusheetikna wuxuu ka sii yahay Kusheetik Bari, waxaana ku hadla qiyaastii 15 milyan oo qof. oo ku nool waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya
Olalihii Horumarinta Reer Miyiga iyo Qoristii Af Soomaaliga
Olalihii Horumarinta Reer Miyiga ayaa lagu balaariyay tirada bulshada ee taqaan qorista iyo akhrinta Af Soomaaliga.

Barnaamijyo kumanaan saacadood oo ka baxay idaahadaha Radio Hargaisa iyo Radio Mogadishu iyo barayaal 20,000 (labaatan kun) oo ay ku jiraan ardaydii dugsiyada sare ayaa u howl galay in aqoonta aas aaska ee bulshada laga qaado 2% lana gaarsiiyay 55% mar ay UNESCO baaris ku samaysay isbadalka uu ummada gaarsiiyay Ole Olihii Horumarinta Reer Miyiga.
Wakaalada Madbacada Qaranka, Tiyaatarka, Wakaalada Filimida iyo wasaarado badan ayaa ka qayb qaatay barnaamijka qorista iyo horumarinta Af Soomaaliga
Lahjadaha Af Soomaaliga
Lahjadaha Af Soomaaliga in kasta oo ay badanyihiin, hadana waxaa la yiraah, "Waxaa jira Maxaa Tiri iyo May." Afka Soomaaliga waxa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah:
1. Af maxaa tiri.
2. Af maay



Hadaba, Hadafka ugu weyn ee aan u soo qaatey Taariikhdaan oo dhan waxay tahay, gaabis ama daba go'a ka muuqada Afkeena Hooyo. Waayo, maanta Mas'uul, caruur iyo ciroole , rag iyo dumar, aqoon yahan iyo caamo, qurba joog ama gudaha dalka, askar ama arday, cid kasta maanta markey hadleyso waxay soo dhex galinaysaa eray af qalaad ah Ingiriis ama carabi ama af kale.
Waxaase ka sii daran oo intaan oo dhan iga keenaayo maanta Somaaliya waxaa ka jiro ganacso ka muuqato kobac fiican ama hormar wanagsan dhanka dhaqaalaha ah, dhinacyada ganacsiga sida Shirkadaha Ganacsi, Goobaha Waxbarashada, Idaacadaha , Wasaarahada, Goobaha Caafimaadka, Hoteelada, Hay'adaha kale iyo ganacsiga yar yar intaba waxaan ku dhegan Boorar Xayeeysiin ama Tilmaamo ay u adeegsadaan hormarka hadafkooda guud. Lkiin Nasiib daro kuma qoran Af-soomaali dhamaan waxaa ku qoran Af qalaad.
Hadaba, Su'aasha waxay tahay, dalkaan Somaali ma lahan miyaa? Mise af-soomaali kuma hadlaan, yeeyse shirkadaha la hadlayaan ama ay u adeegayaan? Ama In af qalaad la qorta ayaa hormarka ku jiraa ama maxeyse tahay sababta ay ugu qori la'yihiin Af soomaali, maadaama ay soomaali yihiin ama ay u adeegaan dadka soomaaliyeed ? Maxayse kaga doorbideen afkooda hooyo mid aysan isku Dhaqan, Diin, Deegaan Aysan Wadaagin. Sideese Lagu Hormarin Karaa Afkeena Hooyo?
Iyadoo aan sare ku soo sheegney in dhibaato badan loo soo marey qorista Af Soomaaliga, ayna ku qaadatey mudo sanado ah in la fuliyo mashruucaas laguna hormariyo Af Soomaali.

No comments:

Post a Comment

A City at the Crossroads of Power and Politics of Somalia

  Kismayo, October 5, 2025 A City at the Crossroads of Power and Politics In the warm coastal city of Kismayo, where the Indian Ocean meets...