Nabiga CSW, wuxuu ka dhashey Qabiilka Qureesh, wuxuu ka sii ahaa Qabiilka fihir wuxuu ka sii aha Kinaan, wuxuu ka sii ahaa Dhalkii
Nabi Ismaciil, kasii ah Nabi Ibahim, kasii ah Nabi Aadan.
Magaciisa:
Mohamed
Inbu Abdallah Inbu Abdil-Mudalib
Ibnul-Hashim Ibnu Abdil-Manaaf Ibnul-Quseyi Ibnul Kilaab Inbu Murah
Ibnul Kacab.
Hooyadii:
waa Qureesh Magacedu waa Aamina bintu Wahab
Ayeeyadiisa:
Barra Inbu Abdul Cuza Ibnu Cusmaan
Goorta
uu dhashey : Isniin, Makka, sanadkii caamul-fiil, waa sanadkii Xabashida kacbada soo wareertey, Sanadkii 570-571
Hijriyah Bisha Rabiicul awal 12-keeda.
Waxaa kalo la sheegey in Haliima sacdiya iyadana naas nuujiysay oo waliba afar sano mudo ah oo halkaas ku Korey.
Taarikhda yaraantiisa: Nabiga CSW asago yar aya malaa’ik qabetey oo lagadey oo qaliin ku sameeyey, xinjir yar ka soo saartey laabtiisa, kuna tiri taasi waa qeybta Sheydaanka kugu lahaa oo laga sifeeyay kadibna la dhaqey laguna celiyey halki markii hore laga soo saarey iyadoo nadiif ah. Calaamad muuqata ayey aheyd meshi malaka uu ka qaley xitaa waa lagu arki jiray weynaantiisa nabarkaas.
Aabihii : wuxuu geeriyoodey asagoo uurka hooyadiis ku jira oo hoyadii xaalimo ah, kadib hoyadiisa waxey ku geeriyootey meesha Abwaa la yiraahdo, iyadoo Mako ka timid asagoo lix jir ah , kadibna wuxuu ku soo koray agoonimo oo aan Aabo arkin markii la soo celiyey oo hooyodiisa dhimatey wuxuu noqdey (Yatiin) aan laheyn Aabe iyo Hooyo.
Awoowgii: Abdul-Mudalib oo aad u jeclaa, wuxuu geeriyoodey asagoo labo sano haayey, oo aabe wayey, hooyana waayey, iyo awoowgiisa waana dareen runtii qof intaas marey uu dareemi karo kali ah.
Sifaadkiisa iyo qaabkiisa: wuxuu ahaa nin dhexdhexaad ah oo aan dheereyn hadana gaabneyn oo dhanka dhirarka xiga. Wuxuu ahaa qof aan dhuubneyn oo aan buurneyn, wuxuu ahaamid laabta u weyn oo laab ballaaran leh oo tin ka leh ilaa xudunta, gacmo kala baxsan leh oo jilacsan oo kala baxsan, garaba bidixna wuxuu ka lahaa meel yar oo kuusan oo timmo aruursan leh oo shaabadda Nabinimada oo khaatimadaa ah, wajigiisa wuxuu ahaa mid qurux badan oo cad oo casaan ku jiro, qaabka wajigiisa wuxuu ahaa wareegsan, wuxuu lahaa dhabbanno shubban, wuxu ahaa mid aan afyareyn, ma indho yaryareen oo wuxuu lahaa indho jeexan, wuxuu lahaaa timmo, mararka qaarna wuu sii deyn jiray,
Mararka qaarna wuu kala
jeexi jiray, wuxuu lahaa gadh khafiif ah, wuxuu ahaa mid timo feereysan oo
ilaaliya, cirro badan ma laheyn, xitaa markii geeriyoonaayey kuwa tirsan ayuu
lahaa ilaa maalinta dhimashada, wuxuua ahaa mid nadaafad badan, shaleysan
jiray, wuxuu isticmaali jiray udugga, iyo carfin wuxu ahaa nin meeshii fadhiisto
laga dereemo carafta iyo udgoonka,
dhismo jireed oo qurux badan ayuu lahaa, qurux nin ayuu lahaa.
Ummu Caa’isha waxaey tiri “Qur’aan ayuu akhlaqdiisu ahayd”.
wuxu lahaa akhlaaq koreysa oo aad u
weyn, wuxuu ahaa nin aad isku dhul dhiga, oo la socoto heeybad, wuxuu ahaa mid
aad u xishood badan oo geesi ah, oo aad
u gacan furan, hadana ka dheer is muujinta iyo magic raadin, wuxuu caan ku ahaa
mid run sheega, camalkiisa ka run sheega iyo hadalkiisa, wuxuu caan ku ahaa mid
markii dunida soo wajahdo asaga jeesto.
Wuxuu ahaa mid camalkiisa u gaar yeela Alle, carabka iyo
afka mid aad u fasiiix ah, oo si degan u hadla, oo hadal kooban oo macno leh ku
hadla, wuxuu ahaa mid qalbi degan hadii dagaal lagu jiro hadii kale, nin xakiim
ah oo cagli badan oo aad fahamkisa u sareeyo,
wuxuu ahaa mid dareenkiisa sareeyo, oo
cafiya dadka ka qaldan, wuxuu ahaa mid ka dheer ad-adeeg iyo wuxuu ahaa mid
sabar badan oo dhiiran xaqa iyo
oraahdiisa ku dhiran.
Nolashiisa:
wuxuu ku koray nolal shaqo iyo ad-adeeg wadata
oo aan aheyn dhaldhalal, wuxuu ku soo Korey nolal adag.
Nabiga CSW yaraantiisa, Wuxuu galey labo
heshiis oo waaweyn, dadka qaar waxey dhahaan waa hal heshiis, waxaan ka qeyb
galey heshiiskii “mudayibiin” wuxuu yiri
Nabiga CSw “waxaan kala qeyb galey adeeradey anigoo dhalinyaro ah, mana jecli
inaan buriyo heshiiskaas xitaa hadii la I siiyo geel cas cas”.
La
soco qeybta 2-aad……

No comments:
Post a Comment